4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2018
Ka qeybgalka shirka maalgashigga ee Sacuudiga qaban qaabinayo oo la qaadacay

 

Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Xoghayaha Maaliyada Mareykanka,Steven Mnuchin, ayaa shaaciyay in uusan ka qaybgali doonin shirka ballaaran ee Maalgashiga ee lagu wado in uu Sacuudiga ka dhaco.

Arrintan ayaa la xiriirta maqnaashiyaha iyo dil looga shakisan yahay in loo gaystay saxafiga Jamal Khashoggi.

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay Mr Mnuchin, ayaa waxaa uu ku sheegay in go’aanka ah in uusan shirkaasi ka qayb galin uu qaatay ka dib kulan uu la qaatay madaxwayne Trump iyo xoghaya arrimaha dibadda Mike Pompeo.

Shir waynahan maalgashiga ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Riyadh ee xarunta boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Mar sii horeysa ayaa wasiirka ganacsiga Britain Liam Fox iyo wasiirada dhaqaalaha ee Faransiiska iyo Netherland waxay shaaciyeen in aysan shirkaasi maalgashiga ee Sacuudiga aysan ka qayb gali doonin.

Shirkani maalgashiga mustaqbalka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo 23 ilaa 25 October,waxaana lagu qaban doonaa caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Waxaa shirkan martigalinaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman si uu u hormariyo ajandihiisa isbadalada.

Qorshihiisa ah casriyaynta dhaqaalaha iyo bulshada ee loogu magac daray higsiga 2030,ayaa waxaa looga gol leeyahay in la dhimo ku tiirsanaanta uu Sacuudiga ku tiirsan yahay shidaalka laguna abuuro shaqooyiin cusub.

Wariyayaasha ayaa sheegay in go’aanka qaadacaada, Mr Mnuchin ee shirkan ay dhabarjab wayn ku tahay ajandayaasha dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Balse dhowr shirkadood oo ganacsi oo ay ka mid yihiin shirkadaha sida Pepsi iyo EDF – ayaa waxa ay sheegeen in ay ka qaybgali doonaan, iyada oo ay jirto cadaadiska lagu hayo ee ah in ay qaadacaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mr Pompeo ayaa horraantii toddobaadkan booqday Riyadh si uu boqor Salmaan ugala hadlo arrinta saxafiga maqan.

Waxa uu sheegay in madaxda Sacuudiga ay u balanqaadeen in baaritaan madaxbanaan lagu samayn doono arrintan.

Mr Khashoggi ayaa la la’yahay mell uu jaan iyo cirib dhigay muddo labo toddobaad ah ka dib markii uu galay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa beenisay in Mr Khashoggi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]