4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray qaar kamid ah xafiisyada dowladda (Sawirro)
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)-
Kormeerkan oo uu Madaxweynuhu sheegay in uu ugu kuurgalayo howlaha shaqo ee hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa waxaa uu ku tagay xarunta degmada Kismaayo, xarumaha wasaaradaha Jubbaland iyo xarunta gudiga dhulalka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa waxaa uu warbixinno ka dhageysteen madaxda xarumaha ay booqdeen, ayagoo sidoo kale indho indheeynayay xafiisyada loogu adeego bulshada ee xarumahaasi.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale booqday xarunta ay ku shaqeeyaan gudiga dhulalka Jubbaland oo ay dowladdu u xilsaartay xallinta murannada la xiriira dhulalka iyo weliba dejinta siyaasad looga hortagayo murannada ka dhasha dhulalka.

Gudiga ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa howlaha ay qabteen, iyo weliba kiisaskii ugu danbeeyay ee ay ku guuleysteen.

Wasaaradaha uu madaxweynuhu kormeeray waxaa kamid ah Wasaaradda Maaliyadda, Ganacsiga, Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, waxbarashada iyo wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland, wuxuu sidoo kale booqday taliska qeybta Booliska.

Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerku socday su’aalo weeydiinayay madaxda xafiisyadii uu booqday, isagoo sidoo kale ku dhiirigelinayay shaqada ay bulshada u hayaan.

Kormeerkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo Madaxweynaha uu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safar uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.