War-Murtiyeedka kulanka wasiirrada arrimaha dibadda, Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritereya ee Muqdisho
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya
Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane
Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya
17kii Oktoobar, 2018.
Booqashadani waxaa ay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya
saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii
saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara,
bishii Sebteembar, 2018.
Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha
Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga
siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale
Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre.
Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen
heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada
dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an
tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka
Geeska Afrika.
Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore
loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo
ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo
celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal.
Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya
iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.
Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka
gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud
ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed.
Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee
ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa
ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya.
Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab
istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u
yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu
baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku
aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada
Soomaaliya ee wakhtiga fog.
Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee
gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida
Soomaaliya.
Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an
tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey
dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal.
Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen
martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]