4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Sacuudiga oo Mareykanka ku wareejiyay 100 million oo dollar

Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)-   Dowladda Sacuudiga ayaa boqol milyan oo doollar ku wareejisay Marekanka, lacagta oo la sheegay Talaadadii shalay inay ku dhacday khasnadda dowladda Marekanka, sida laga soo xigtay wargeyska New york Times.

Sacuudiga wuxuu sheegay lacagtan in lagu xoojinayo dadaalka Marekanka uu ka wado dhulka Suuriya si looga saaro kooxda mintidka ah ee la baxday dowladda Islaamka.

Lacagta ayaa la bixiyey xilli uu xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Mike Pompeo booqanayey Sacuudiga oo uu kula kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan.

Madaxweynaha Marekanka Donald Trump ayaa saacado yar kaddib markii ay soo shaac-baxday Sacuudiga inuu boqol milyan ku wareejiyay Marekanka ayaa waxa uu cambaareeyay cadaadiska sii kordhaya ee dunidda ay ku hayso boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan saxafiga la waaayay, Jamal Khashoggi.

Trump ayaa sheegay in eedeynta loo soo jeedinayo boqortooyada, ka hor inta aan xaqiiqada la ogaan, ay tahay mid muujinaysa kiis kale oo ah in iyada oo aan la caddayn dambiga lagu qirayo la iska eedeynayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]