4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Barta YouTube oo saacado hawada ka maqnayd

Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)-  Barta YouTube oo ah shabakad ballaaran oo muuqaallada laga daawado ayaa ku dhawaad labo saacadood hawada ka maqnayd, taas oo walaac ku dhalisay dadka sida gaar ah u adeegsada.

Adeegyadda YouTube, YouTube TV iyo YouTube Music ayaa si isku mid ah hawada uga maqnaa, iyadoo boqollaal ruux ay iskula wadaageen baraha bulshada ciladda la soo gudboonatay shabakadda oo lacago badan laga faa'iido.

YouTube ma aysan shaacinin waxa sababay in adeegyadaasi ay hawada ka baxaan, balse warkooban oo ay shirkadda baahisay waxaa lagu sheegay in  arrin baaxad leh ay dhacday , waqtigaana la xalliyay.

In kabadan 400 oo saacadood duubitaanno ah ayaa saacad kasta la galiyaa YouTube, waana shirkadda ugu ballaaran ee wax laga baarto marka laga soo tago Google.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]