4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaad ka billaabaysa Muqdisho

Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa dib u billaabaysa 2-da bisha November duulimaadkii u horreeyay ee Muqdisho iyo Addis Ababa, muddo ka badan afartan sanno kaddib.

Tewolde Gebremariam, oo ah madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, wuxuu sheegay in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa intaas dheer oo duulimaadyadda ay fursan siin doonan Soomaalida qurbo-joogta ee ku sugan Waqooyiga Mareykanka, Bariga Dhexe, Yurub iyo Afrikaba.


Diyaaradda ayaa toddobaadkiiba saddex maalin sameyn doonta duulimaad toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana maalmaha duulimaadkeeda ku qorsheysan yahay ka mid ah Isniin, Arbaco iyo Jimco. Ethiopian Airlines waxaa ay duulimaadyo ku tagtaa illaa 116 dal.

Duulimaadka kaliya ee caalamiga ah oo horey Muqdisho u imaan jirey waa  diyaaradda Turkish Airlines , waxaa kalo garoonka caasimadda duulimaad ku timaadda diyaaradda Djibouti Airlines.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]