3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo beeniyay magacaabista gudiga Doorashooyinka



Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)–Gudomiyaha golaha shacabka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu magacaabay guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan kasoo bixin xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka.

Warqaddan oo saaka soo baxday ayaa waxaa ku qornaa ilaa 15 Xildhibaan oo la sheegay in loo magacaabay Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Waxa uu xusay in aysan weli ku dhawaaqin guddiga, balse ay rajeeynayaa in dhawaan ay si rasmi ah u shaaciyaan gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa geli doonta doorasho bisha November ee sanadkan, ayadoo magaalada Baydhabo ay ku suganyihiin inta badan musharixiinta u tartameeysa hogaanka Koonfur Galbeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.












Click here
10/17/2018 12:50 PM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya Max’ed Khaliif Diiriye, kaddib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

10/17/2018 10:48 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Kormeerkan oo uu Madaxweynuhu sheegay in uu ugu kuurgalayo howlaha shaqo ee hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa waxaa uu ku tagay xarunta degmada Kismaayo, xarumaha wasaaradaha Jubbaland iyo xarunta gudiga dhulalka Jubbaland.

10/17/2018 10:48 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018.

10/17/2018 8:06 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Dowladda Sacuudiga ayaa boqol milyan oo doollar ku wareejisay Marekanka, lacagta oo la sheegay Talaadadii shalay inay ku dhacday khasnadda dowladda Marekanka, sida laga soo xigtay wargeyska New york Times.

10/17/2018 7:39 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbaday ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya in ay dhowrnaa xasaannada xildhibaanka, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa nabad-galyada is hortaag ku sameeyeen xildhibaanno gali lahaa xarunta Baarlamaanka.

10/17/2018 7:12 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Barta YouTube oo ah shabakad ballaaran oo muuqaallada laga daawado ayaa ku dhawaad labo saacadood hawada ka maqnayd, taas oo walaac ku dhalisay dadka sida gaar ah u adeegsada.

10/17/2018 6:54 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka ah shir guddoonka shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO oo ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan.

10/17/2018 6:46 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa dib u billaabaysa 2-da bisha November duulimaadkii u horreeyay ee Muqdisho iyo Addis Ababa, muddo ka badan afartan sanno kaddib.

10/17/2018 4:45 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi labo geesood ah oo ay horkacayeen wasiirro arrimo dibedeedka dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

10/17/2018 1:29 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)–Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ilaa saddex ruux oo qeyb ka ahaa dilkii iyo gubistii marxuum Axmed Mukhtaar Saalax Dowlo oo bishii hore lagu dilay goobtiisa shaqada.

10/17/2018 1:18 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)–Taliska millitariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ku bur buriyeen Dooman ay leeyihiin Al-shabaab.

10/17/2018 1:05 AM EST
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.