4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Dad kale oo loo soo qabtay dillkii marxuum Axmed Dowlo

 

Arbaco, October, 17, 2018 (HOL) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ilaa saddex ruux oo qeyb ka ahaa dilkii iyo gubistii marxuum Axmed Mukhtaar Saalax Dowlo oo bishii hore lagu dilay goobtiisa shaqada.

newsinisde Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in la soo xiray saddex ruux oo ku eedeysan in ay gacan weyn ku lahaayeen dilka marxuumka iyo dabkii la qabadsiiyay intaba.

Marxuumka oo lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sababta loo bartilmaameedsaday lagu sheegay arrimo la xiriira Heeb Sooc ‘’Guur’’ kaddib markii uu wiil uu adeer u yahay uu guursaday Gabar ka soo jeeda beelaha ku hubeysan Muqdisho.

Dilka Axmed Dowlo ayaa waxaa ka qeybqaatay 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin, sida ehelada marxuumka ay ku warramayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]