4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Trump oo ka difaacay Sacuudiga eedeymaha loo jeedinayo

 

Arbaco, October, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.

Trump oo la hadlay wakaalada wararka ee Associate Press shaley ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dadka Sucuudiga eedda loo jeedinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arrinta Sucuudiga loogu eedeynayo wariyihi boqortooyada mucaaradka ku ahaa ee la waayey 2-di bishan ka dib marki uu galey qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul Turki, waxaa uu barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey.

Wareysigan ayaa la siidayey ka dib marki uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompe uu la kulmey boqorka Sucuudi Carabiya, Salman ibnu Cabdicasiis iyo dhaxalsugaha, Maxamed Bin Salman, Wasiirka ayaa madaxda Sucuudiga kala hadlayey arrinta Jamal Khashoggi.

Inkastoo Mareykanku difaacay dowladda Sacuudiga, haddana dhinaca kale waxaa sii kordhaya cadaadiska caalamiga ah ee lagu hayo Boqortooyada Sacuudiga oo dhinaceeda wali ka war-wareeganeysa in ay bixiso tafaasiil rasmi ah oo la xariirta waxa ku dhacay Wariye Jamal Khashoggi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]