4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2018
Mareykanka : Waxaan duqeyn ku dilay 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-Militariga Mareykanka ayaa Talaadadii maanta ku dhawaaqay weerarkii ugu weynaa ku dhawaad sanad oo ay duqeyn ku dilaan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay Jimihii ina dhaafay meel u dhaw degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya, lama sheegin rayid wax ku noqday duqeyntan.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu cuslaa oo ay fuliyaan militariga Mareykanka tan iyo wixii ka danbeeyay 21 Nov ee sanadkii 2017 oo duqeyn lagu dilay 100 dagaalyahano ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Warka ka soo baxay taliska Mareykanka laguma faah faahin cida lagu bartilmaameedsanayay weerarkan ay ku dhinteen 60 ka dagaalyahan ee ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa 14kii bishan October xustay sanad guuradii ka soo wareegatay Qaraxii ba’naa ee ka dhacay Isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho kaa oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 700 ruux oo u badnaa dad rayid ah.

Al-shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada Mareykanka ee ah duqeynta ka dhacday degmada Harardheere.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]