4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2018
Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland oo mar kale lagu xannibay Muqdisho

 

Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-  Wararka ka soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa sheegaya in mar kale halkaa lagu xiray guddoomiyaha rugta Gancsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

Shaafi Raabi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meel la fariisiyay kaddib-na laga qaaday dukumiintiyadii uu watay, isaga oo intaa ku daray in uusan ilaa iyo hadda garanayay sababta loo bartilmaameedsanayo.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlaayey ganacsiga Africa iyo Turkiga, walina arintan wax war ah kama aysan soo saarin saraakiisha amniga garoonka Aadan Cadde.

Waa markii labaad oo xannibaadan oo kale oo la kulmo guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jubbaland oo dhowr bilood ka hor sida oo kale loogu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]