3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2018
Wasiir Cawad : Go’aanka aan qaadanay kuma xirna arinta Wariyaha la la’yahay

 

Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay isku bar bar taagtay Boqortooyada Sacuudiga, ayaa sheegay in aysan isku xirneyn go’aanka ay qaadatay dowladda iyo arinta wariyaha la la’yahay ee Jamal Khashoggi

Isaga oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu meesha ka saaray in go’aankan dowladda Soomaaliya gaartay yahay mid loo maariyay oo ay dalbatay dowladda Sacuudiga, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu yahay go’aan Soomaaliyeed.

‘’Iskuma xirna arinta wariyaha la la’yahay iyo mowqifka aynu qaadanay, waa mabda’a joogto ah inay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga mowqifkeeda ay ku diidan tahay in la handado ama loo hanjabo in aysan fiicneyn oo ah olole lagu waxyeeleynayo ay wadaan quwado”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Laakiin wasiirka ayaa ka war-wareegtay islamarkaana ku dhiiranwaayay in uu cadeeyo mowqifka dowladda Soomaaliya ee la xiriira wariyaha la la’yahay oo markii ugu wardanbeysay ku sugnaa gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya ka dalban doonin dowladda Sacuudiga in laga run sheego baaritaanka socda, iyo mowqifkeeda ku aadan in ay ka xuntahay wali in war iyo wacaal loo heynin halka uu ku danbeeyay Khashoggi.

‘’Annaga arrinta wariyaha ah go’aan kama aanan gaarin ugama hor imaan, kumana difaacin Sacuudiga, go’aanka waxaa weeye dowladda sacuudiga ku garab taaganahay dhaqaalaha iyo amnigooda in la difaaco”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay ee muujisay mowqifkeeda ku aadan cadaadiska lagu hayo Sacuudiga kaddib warka ku saabsan in la la’yahay wariye Jamal Khashoggi, waxaana jira cadaadis heer caalami ah oo isa soo taraya iyo dareen dunida oo idil ka muujisay arinkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/16/2018 1:08 PM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-Militariga Mareykanka ayaa Talaadadii maanta ku dhawaaqay weerarkii ugu weynaa ku dhawaad sanad oo ay duqeyn ku dilaan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

10/16/2018 10:27 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida.

10/16/2018 8:18 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magacaabay xubno gole wasiirro cusub, waxaana ka soo dhax muuqday golaha cusub ee wasiirrada xubno horey xilal u hayay laakiin hadda loo magacaabay wasarraddo kale.

10/16/2018 4:45 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-Wararka ka soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa sheegaya in mar kale halkaa lagu xiray guddoomiyaha rugta Gancsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

10/16/2018 2:15 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Maamul gobolleedka Galmudug oo si joogta ah cabasho uga muujiya faragalin ay ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday magacyada, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka tirsan golaha Aqalka sare oo ay ku eedeeyeen in ay ka shaqeynayaan bur burinta Galmudug.

10/16/2018 1:05 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Xoogag hubeysan oo ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobolleedka Hirshabeelle.

10/16/2018 12:28 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL) - Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay guusha ay Soomaaliya kasoo hoysay Qaramada Midoobay kadib markii Soomaaliya loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM.