3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2018
Galmudug oo markii ugu horeysay shaacisay magac-yada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo faragalin ku haya

 

Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Maamul gobolleedka Galmudug oo si joogta ah cabasho uga muujiya faragalin ay ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday magacyada, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka tirsan golaha Aqalka sare oo ay ku eedeeyeen in ay ka shaqeynayaan bur burinta Galmudug.

War ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay wado burburinta Heshiiskii ay wada galeen Ahlu-Suna iyo Galmudug, islamarkaana loo adeegsanayo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan oo gaaray Cadaado.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/16/2018 1:08 PM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-Militariga Mareykanka ayaa Talaadadii maanta ku dhawaaqay weerarkii ugu weynaa ku dhawaad sanad oo ay duqeyn ku dilaan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

10/16/2018 10:27 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida.

10/16/2018 8:18 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magacaabay xubno gole wasiirro cusub, waxaana ka soo dhax muuqday golaha cusub ee wasiirrada xubno horey xilal u hayay laakiin hadda loo magacaabay wasarraddo kale.

10/16/2018 4:45 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-Wararka ka soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa sheegaya in mar kale halkaa lagu xiray guddoomiyaha rugta Gancsiga Jubbaland Shaafi Raabi.

10/16/2018 2:56 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay isku bar bar taagtay Boqortooyada Sacuudiga, ayaa sheegay in aysan isku xirneyn go’aanka ay qaadatay dowladda iyo arinta wariyaha la la’yahay ee Jamal Khashoggi

10/16/2018 1:05 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Xoogag hubeysan oo ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobolleedka Hirshabeelle.

10/16/2018 12:28 AM EST
Talaado, October, 16, 2018 (HOL) - Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay guusha ay Soomaaliya kasoo hoysay Qaramada Midoobay kadib markii Soomaaliya loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM.