4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2018
Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerarray magaalada Jowhar

 

Talaado, October, 16, 2018 (HOL)- Xoogag hubeysan oo ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Goobjoogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay in dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab xalay labo jiho ka soo weerarreen fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowladda, waxaana la sheegay in askari ka tirsanaa ciidamadii ilaalada ka ahaa koontaroolka ay weerarreen xoogaggan uu goobta ku dhintay.

Fariisimaha la weerarray ayaa la sheegay in aysan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Hirshabelle, waxaana xarunta degan madaxda ugu sareysa maamulka.

Magaalada Jowhar waxaa maalintii shalay booqday ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo dhagaxdhiggay mashaariic hormarinneed.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah ka soo baxay laamaha amniga maamulka Hirshabeeelle iyo guud ahaanba saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarrka xalay dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]