4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2018
Wasiir Deeqa Yasin “Waa guul in Soomaaliya soo ceshato go’aamadii iyo hankii ay ku lahayd bulshadda aduunka dhexdeeda”

 

Talaado, October, 16, 2018 (HOL) - Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay guusha ay Soomaaliya kasoo hoysay Qaramada Midoobay kadib markii Soomaaliya loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Marwo Deeqa Yaasin Xaaji Yusuf oo ah Wasiirada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo war murtiyeed rasmi ah maanta soo saartay kasoo ay kaga hadleyso xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Xuquuqda Aadana ee QM ayaa tiri “tani waa guul taariikhiya oo soo celinaysa go’aamadii iyo hankii ay Soomaaliya ku lahayd bulshadda aduunka dhexdeeda kuwaasoo ku hawlan horumarinta xuquuqda aadanaha aduunka oo idil”.  

Waxay kaloo muujinaysaa kalsoonida, aaminaada iyo taageerada ay dadkeena iyo hogaankeena siinayaan shaqadeyna iyo sidoo kale aqoonsiga iyo u hiilinta bulshada caalamka ee ku aadan dadaalkeena aan ku dooneyno in aan ahaano dal kor uqaada oo difaaca xuquuqda aadanaha, ayay ku dartay Marwo Deeqa Yaasin oo dhawaan safar shaqo ku tagtay xarumaha QM ee ku yaala magaalooyinka ee Geneva iyo New York si ay u xaqiijiso xubinnimada golahan.

Ka mid noqoshada Soomaaliya oo ah go’aan ay madaxda sare ee dowlada si wadajir ah u qaateen ayaa waxaa sida weyn ugu dadaalay Wasiir Deeqa Yaasin iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta QM ee New York, danjire Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale).

Danjire Abuukar Baale oo ah shaqsi saameyn weyn ku dhex leh danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya QM iyo madaxda sare ee QM ayaa la sheegay in uu juhdi weyn ku bixiyay sidii uu ugu qancin lahaa dalalka caalamka in ay Soomaaliya u codeeyaan, halka Wasiir Deeqa Yaasin muujisay sida ay dowlada federaalka uga go’an tahay in ay kasoo dhalaasho doorkeeda xubinnimo ee Golaha Xuquuqda Aadanaha.

“Kamid noqoshadda xubinimada golaha xuquuqda aadanaha ee QM waxay faa’iido toos ah iyo mid dadbanba u tahay dadkeena iyo dalkeena siyaabo badan. Xukuumaddeenu waxay muujisay ballanqaad ah in ay fuliso waajibaadkeeda iyada oo la raacayo nidaamka Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah” ayay sheegtay Wasiirada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Ka mid noqoshada golaha xuquuqda aadanaha ee QM ayaa dowlada Soomaaliya usoo hooyay sumcad muujineyso in Soomaaliya ay kusoo laabatay fagaarayaasha caalamka ee go’aanada lagu gaaro balse dalalka xubnaha ka ah golaha xuquuqda aadanaha ayaa waxaa saaran waajib ka weyn kan kaasaran dalalka aan xubnaha ka aheyn golaha ayaga oo laga doonayo in ay si taxadar leh u dhowraan xuquuqda aadanaha, ayadoo dalka Burundi oo hadda xubin ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha QM uu ku dhowyahay in laga saaro maadaama loo heysto gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, uuna ka hor yimid qaraaryada kasoo baxa golaha ee dalkooda quseeya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]