4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Dowladda federaalka ma waxay abaalmarisay Waare?

Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka dhagax-dhigtay mashaariic waa weyn meel ka baxsadan caasimadda Muqdisho, tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

Ra'iisul wasaare Khayre oo safar ku tagay Jowhar Isniinta maanta ah ayaa dhagax-dhiggay dhismaha xafiisyadda Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabad kooban oo dhagax-dhigga mashaariicda loo qabtay waxaa sawirro laga soo qaaday ay muujiyeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo gacmaha isku-galiyay madaxweynaha Hirshabeelle ,ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, hoggaamiyayaasha ayaa muddooyinkii dambe uu khilaaf ka dhaxeeyay.

Ma la abaalmariyay Waare

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku gacan-sayray toddobadyo ka hor hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo xiriirka u jaray dowladda federaalka horraantii bishii Sebtembar ,kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, wuxuu marka la saftay dowladda federaalka.

Wafdiga uu hoggaaminayay ra'iisul wasaaraha ee maanta tagay Jowhar ayaa la sheegay inay sideen farrin ay ku xaqiijinayaan inay dowladda fulinayso ballan-qaadkii loo sameeyay hoggaamiyaha Hirshabeelle oo ka badbaaday dhawaan mooshin ay xildhibaanno ka tirsan maamulka ka soo gudbiyeen.

" Dowladda dadaalkeeda ku aaddan inay soo xerogaliyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-gobolleedyada ma aha mid yar, cid walba ayaa arkaysay in Waare uu noqday qofka ugu horreeyay ee dowladda ay dhinaceeda soo xejisay." ayuu yiri Cismaan Kulmiye oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya.

Kulmiye, wuxuu u sheegay Hiiraan Online in madaxweyne Waare ay dowladda dhexe u sameysay ballan-qaad ku aaddan in gacan buuxda uu ka heli doono,tallaabada hadda lagu dhagaxdhiggeyna mashaariicda waa weyn inay farrin u tahay madaxda kale ee dowlad-gobolleedyada.

Warar kale oo ay Hiiraan Online saraakiil u xaqiijiyeen waxaa ay sheegayaan dowladda dhexe inay markan isku daydi doonto wada-hadallo lala furo hoggaamiyaha waqtiga uu ka dhammaanayo ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Shariif Xasan, si loo dhimo awoodo madaxda dowlad-gobolleedyada ee ku midaysan madasha wada-tashiga, balse labada dhinac arrintan ma xaqiijin.

Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa markiisii horaba ismariwaaga u dhaxeeya waxuu bilowday markii lala kala saftay dowladdaha Imaaraadka iyo Qadar.

Imaaraadka ayaa dad badan aaminsan yihiin inay xoojinayso maamul -gobolleedyada, halka madaxda maamul-goboleedyadana ay dowladda dhexe ku eedaynayaan inaysan dhexdhexeed ka ahayn khilaafka wadammada Khaliijka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]