3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Dowladda federaalka ma waxay abaalmarisay Waare?

Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka dhagax-dhigtay mashaariic waa weyn meel ka baxsadan caasimadda Muqdisho, tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo dowladda dhexe.

Ra'iisul wasaare Khayre oo safar ku tagay Jowhar Isniinta maanta ah ayaa dhagax-dhiggay dhismaha xafiisyadda Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabad kooban oo dhagax-dhigga mashaariicda loo qabtay waxaa sawirro laga soo qaaday ay muujiyeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo gacmaha isku-galiyay madaxweynaha Hirshabeelle ,ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, hoggaamiyayaasha ayaa muddooyinkii dambe uu khilaaf ka dhaxeeyay.

Ma la abaalmariyay Waare

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku gacan-sayray toddobadyo ka hor hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo xiriirka u jaray dowladda federaalka horraantii bishii Sebtembar ,kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, wuxuu marka la saftay dowladda federaalka.

Wafdiga uu hoggaaminayay ra'iisul wasaaraha ee maanta tagay Jowhar ayaa la sheegay inay sideen farrin ay ku xaqiijinayaan inay dowladda fulinayso ballan-qaadkii loo sameeyay hoggaamiyaha Hirshabeelle oo ka badbaaday dhawaan mooshin ay xildhibaanno ka tirsan maamulka ka soo gudbiyeen.

" Dowladda dadaalkeeda ku aaddan inay soo xerogaliyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-gobolleedyada ma aha mid yar, cid walba ayaa arkaysay in Waare uu noqday qofka ugu horreeyay ee dowladda ay dhinaceeda soo xejisay." ayuu yiri Cismaan Kulmiye oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya.

Kulmiye, wuxuu u sheegay Hiiraan Online in madaxweyne Waare ay dowladda dhexe u sameysay ballan-qaad ku aaddan in gacan buuxda uu ka heli doono,tallaabada hadda lagu dhagaxdhiggeyna mashaariicda waa weyn inay farrin u tahay madaxda kale ee dowlad-gobolleedyada.

Warar kale oo ay Hiiraan Online saraakiil u xaqiijiyeen waxaa ay sheegayaan dowladda dhexe inay markan isku daydi doonto wada-hadallo lala furo hoggaamiyaha waqtiga uu ka dhammaanayo ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Shariif Xasan, si loo dhimo awoodo madaxda dowlad-gobolleedyada ee ku midaysan madasha wada-tashiga, balse labada dhinac arrintan ma xaqiijin.

Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa markiisii horaba ismariwaaga u dhaxeeya waxuu bilowday markii lala kala saftay dowladdaha Imaaraadka iyo Qadar.

Imaaraadka ayaa dad badan aaminsan yihiin inay xoojinayso maamul -gobolleedyada, halka madaxda maamul-goboleedyadana ay dowladda dhexe ku eedaynayaan inaysan dhexdhexeed ka ahayn khilaafka wadammada Khaliijka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/15/2018 1:00 PM EST
Isniin, October 15, 2018 (HOL) - Sahra Maxamed Khalif oo 21 jir ah ayaa ku guuleystay xubin golaha deegaanka ee magaalada Leuven ee dalka Belgium ka dib markii ay heshay cod gaaraya 772.

10/15/2018 11:52 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Isniinta maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe Isimmada ka soo jeedda gobolka Sool inuu fashil ku dhammaaday, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen xubno shirka ka qaybgalay.

10/15/2018 11:31 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta ku shiray magaalada Garoowe ayaa mamnuucay in hub lagu dhex-qaato magaalada xarunta ah,kulanka ayaa sidoo kale laga soo saaray dhowr qodob oo inta badan wax mamnuucaya.

10/15/2018 11:15 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) -Shalay waxaa magaalada Muqdisho laga xusay sannad guuradii koowaad ee qarixii Soobbe ee 14-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof, qasaare kale oo intaas ka badana uu ka dhashay oo naf iyo maalba leh.

10/15/2018 8:57 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

10/15/2018 8:26 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

10/15/2018 5:39 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaaggeeda dhammeystiran u muujisay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.War saxaafadeed afka Carabiga ku qornaa oo ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lugu xaqiijiyay taageerrada.

10/15/2018 4:22 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamul gobolleedka Hirshabeele.

10/15/2018 2:44 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL)- Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la'yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

10/15/2018 1:56 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL)- Gabdhahan oo la waayay habeenimadii Jimcaha ayaa la sheegay in ugu danbeyntii meydkoodii laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska ee gobolka Minnesota.

10/15/2018 1:50 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL)-Madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu furayo kalafadhiga Afaraad ee xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare.

10/15/2018 1:41 AM EST
Isniin, October, 15, 2018 (HOL)- Dagaal culus oo leysku weydaarsaday hub kala duwan ayaa ku dhaxmaray aroornimadii hore ee saakay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab deegaanka Deynuunaay 26-KM u jira magaalada Baydhabo.