4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Isimmada gobolka Sool oo Garoowe ku yeeshay shir natiijo la'aan ku dhammaaday

Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Isniinta maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe Isimmada ka soo jeedda gobolka Sool inuu fashil ku dhammaaday, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen xubno shirka ka qaybgalay.

Kulanka ayaa ujeedadiisa lagu sheegay wada-tashi ay Isimmadu ku doonayeen inay ka yeeshaan xulista Xildhibaannada ee ka socota Puntland iyo doorashada guud ee la qabanayo horraanta sannadka cusub.

Balse kulanka waxaa hareeyay qodob ay soo bandhigeen qaar ka mid ah isimmada oo ku aaddana inaysan habbooneyn ka qaybgalka doorashada Puntland, inta maamulka uu gaarayo magaalada Laascaanood oo muddo ka badan 10 sanno ka maqan gacanta Puntland.

"Qodobka ku aadan xoreynta Laascaanood ayaa waji kale shirka u yeelay." ayuu yiri qof goobjoog u ahaa shirka oo codsadey inan magaciisa la baahin.

Isimmo uu ugu horreeyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed , ayaa la sheegay inay ka soo horjesteen qodobka,iyagoo kulanka ku soo bandhigay inan marna la isku xiri karin doorashada iyo arrimaha magaalada Laascaanood,taas oo dhalisay markii dambe shirka in lagu kala kaco iyadoon wax natiijo ah aysan ka soo bixin.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantan inay mar kale kulan yeelan doonan Isimmada Sool ee ku sugan Garoowe, balse ma jirto ilaa hadda hadal ay warbaahinta siiyeen isimmada ku shirey Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]