4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Puntland: Garoowe oo laga mamnuucay hubka

Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta ku shiray magaalada Garoowe ayaa mamnuucay in hub lagu dhex-qaato magaalada xarunta ah,kulanka ayaa sidoo kale laga soo saaray dhowr qodob oo inta badan wax mamnuucaya.

Guddiga ayaa sidoo kale mamnuucay gaadiidka dagaalka inay magaalada dhex-maaran, marka laga reebo gaadiidka howlgallada ku jira.

Kulanka ayaa sidoo kale dadweynaha lagu wargaliyay inay baneeyaan dhulka danta guud ah, waxaa inta dheer oo guddiga uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid walba oo isku dayda inay dhul ku habsato.

Dhallinyarada dhaca geysta ayaa guddigu sheegay in ciddii gacanta lagu dhigo ay muteysan doonan xabsi lix bilood ah,warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu soo daray inuu socdo baaritaan ku aaddan dhallinyaro kooxo ah oo rabshado geysta ciddii ay si rasmi ah u hoostagaan.

Dadaallo dib loogu habeynayo amniga ayaa muddooyinkii dambe ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo isku diyaarinaysa horraanta sannadka cusub doorashada guud ee madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]