Farmaajo : Waa in waxbarasho Madani ah iyo mid ciidan ay hellaan maleeshiyaadkii Marka ku dagaalamay
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la
kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka
ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si
ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an
tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan
inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan argagigixisada Alshabaab ee
hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.
“Dowladdu waxa ay dadaal ku bixinaysaa sidii aad
u heli lahaydeen waxbarasho madani ah iyo mid ciidan, si la idiinku diyaariyo
mustaqbal wanaagsan oo idiin horseedaya inaad hormuud u noqotaan difaaca iyo
horumarka dalkiinna iyo dadkiinna.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si
qoto-dheer uga hadlay dhibaatooyinka ay shacabku ka dhaxleen dagaalladii
sokeeye ee dalka soo maaray, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo
sheegay in cadawga keliya ee caqabadda ku ah nolosha iyo horumarka shacabka
deegaankan uu yahay nabaddiidka Al-shabaab.
“Waan ka wada dharagsannahay dagaalka sokeeye
dhibaatooyinka uu in oo gaystay. Waxaa laga dhaxlay dhallinyaro badan oo idinka
oo kale oo dalkan wax tar u noqon lahaa in ay maanta god ku jiraan dagaal macno
la’aan ahaa dartiis.”
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay waxgaradka
Gobolka iyo guud ahaan bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka miro
dhalinta heshiiskan nabadeed ee soo afjaray colaaddii ka jirtay magaalada
Marka, una istaagaan sidii mustaqbal ifaya loogu abuuri lahaa faca soo socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]