4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo Jowhar gaaray

 

Isniin, October, 15, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta  maamul gobolleedka Hirshabeele.

Wafdiga ra'iisal wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa Hirshabeelle e oo uu horkacayo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Kheyre ayaa lagu wadaa in uu dhagaxdhiggo mashaariic laga hirgelinayo magaalada, sida dhismaha xarun u yeelanayo Baarlamaanka Hirshabeelle, madaxtooyada, iyo wasaarradda maaliyada Hirshabeelle, isaga oo dhinaca kalana daah furi doono mashruuca dhismaha waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Amaanka ayaa siweyn loo adkeeyay magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in ay gaareen Jowhar ciidamo dhinaca dhulka uga anbabaxay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]