4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Sacuudiga iyo Turkiga oo ka wada hadlaya arinta Wariye Khashoggi

 

Isniin, October, 15, 2018 (HOL)- Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la'yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Weriyahaasi oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khashoggi ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay gudaha qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegeysa in weriyahaasi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istaanbuul. Balse Sucuudiga ayaa arrintaasi beeniyay.

Madaxweyne Erdogan ayaa tan iyo markii la waayay weriyahaasi ugu baaqayay Sucuudigu in ay runt aka sheegaan arrinta weriyahani oo aad maqaalladiisa iyo wareysiyadiisuba ku dhaliili jiray xukuumadda Sucuudiga.

Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleysi xiriirkaasi wanaagsan ee soo jireenka ahi.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in hadalka boqorka uu ka dhigan yahay in xukuumadda Sucuudigu ay dooneyso in arrintani ay u hesho xal diblomaasiyadeed.

Sucuudiga ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, waxaana waddamada Jarmalka, Britain, iyo Faransiisku ay ku baaqeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo arrinta weriyahaasi.

War murtiyeed ay Axaddi si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka waxay ku baaqeen in baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay Mr Khashoggi in la sameeyo.

"Iyaga oo sheegay in ay soo dhaweeynayaan baaritaanka ay si wada jir ah u wadaan Sacuudiga iyo Turkiga, baaritaannada kaddibna ay ka soo bixi doonaan iney Sacuudiga si buuxda u qaadato mas'uuliyadda wariyaha la la'yahay."

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naaif bin Cabdulcasiis, ayaa war ay ka soo xigatay wakaallada wararka ee Sucuudiga Jimcihii, waxaa lagu sheegay inuu yiri, boqortooyadu waxa ay sidoo kale danaynaysaa inay qeexdo "xaqiiqada dhabta ah", hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray in eedaha ah inay amartay dilka Khashoggi ay yihiin kuwo aan "sal lahayn".

Xigasho/BBC