4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Gabdho Soomaaliyeed oo meydkooda laga helay magaalada Chaska ee gobolka Minnesota


Isniin, October, 15, 2018 (HOL)- Gabdhahan oo la waayay habeenimadii Jimcaha ayaa la sheegay in ugu danbeyntii meydkoodii laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska ee gobolka Minnesota, iyadoo gabdhaha mid laga dhex helay maydkeeda gudaha gaariga gabadha kalena biyaha dhexdooda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaari ay wateen labadan Gabdhood sida la sheegay uu ku dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska, iyada oo si deg deg ah aysan u helin gargaarkii loogu tala galay, kadib markay waceen telefoonka gargaarka dagdaga ama 911 ayuu markiiba go'ay sida uu sheegay taliyaha booliiska Chaska Scott Knight oo xalay fiidkii shir jaraaid qabtay.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Zeynab Cabdalla iyo Bushra Cabdi waxayna labadoodu ahaayeen 19 jiro dugsiga sare ka baxay sanadkii hore,labodoodu waxay ahayeen qaraabo iyo saxiibo isla koray, lama oga waxa ka danbeysay in gaariga uu halkaa ka dhaco waxaa socda baaritaan la xiriira sababta geeridooda keentay.

Xamza Warfaa oo ka mid ah qoyska gabdhaha geeriyooday ayaa VOA u sheegay in gabdhahan ay ahaayeen kuwa ka qalin jabiyay dugsiga sare, islamarkaana shaqeysta, ilaa haddana aysan qabin tuhun ah in gabdhaha loo hanjabay, wuxuuna tilmaamay inay ka war sugi doonaan baaritaanada booliska.

Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa aad uga murugooday dhacdadan, waxayna booliska ka dalbadeen in arrintan baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]