4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Kalfadhiga Afaraad ee Aqalka Sare oo maanta ka furmaya Muqdisho

 

Isniin, October, 15, 2018 (HOL)- Madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu furayo kalafadhiga Afaraad ee xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare.

Kalfadhigan ayuu qorshuhu ahaa in uu furmo 10-kii September ee sanadkan, balse dib ayuu u dhacay kadib markii xubnaha Aqalka Sare ay ka soo dareereen xaruntii ay munaasabada ka socotay.

Munaasabadda Kalafadhiga Afaraad ee Aqalka Sare lagu daah furayo ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona dhammaan xubnaha Aqalka Sare, waxaana hada socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan furitaanka kulankan.

Ammaanka xarunta Aqalka Sare ayaa aad loo adkeeyay, waxaana maanta xarunta la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga.

Aqalka Sare ayaa waxaa horyaalla hawlo badan oo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka ka dhaxeeya madaxda Galmudug iyo inay dib u soo celiyaan xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, maadaama ay arrimahaasi guddi u saareen xalinteeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]