4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi ah la qaatay bulshada Marka

 

Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleyshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen maleeshiyaadkii Al Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la tashi ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Kaddib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo argagixisada Alshabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]