3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2018
Xukuumadda Soomaaliya Iyo Midawga Yurub oo Kala Saxiixday €100 Milyan oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda Dawladda

 

Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan €100 milyan.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.

“Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre.

Midawga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 mliyan (Boqol Milyan oo Yuuro) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/14/2018 12:57 PM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

10/14/2018 9:09 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Iyadoo maanta loo baroordiiqay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay ballanqaad u sameysay carruurtii ku agoontowday qaraxa.

10/14/2018 6:34 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)-Magaalada Brussels ee dalka Belgium waxaa lagu soo gabagabeeyay wadahadala xuquuqda aadanaha ee sanadlaha ah ee dhex mara Midowga Yurub iyo Midowga Afrika si kor loogu qaado difaacitaanka xuquuqda aadanaha.

10/14/2018 5:12 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo dhowaan Ciidamo loogu magac daray Guutada 14 October ay la wareegeen ammaankeeda.

10/14/2018 2:07 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.

10/14/2018 1:58 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

10/14/2018 1:51 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Waxaa saakay inta badan xiran oo aan loo ogoleyn in ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha jidadka magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 14ka October oo loo baroor diiqayo dadkii ku dhintay Qaraxii sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe.

10/14/2018 1:39 AM EST
Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo mudo looga fadhiyay dhismaha golaha wasiirada Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska 25 wasiir oo aan laheyn wasiiro kuxigeeno.