Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Iyadoo maanta loo baroordiiqay dadkii ay wax
yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ee ka dhacay
Isgoyska Zoobe, ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay ballanqaad u sameysay
carruurtii ku agoontowday qaraxa.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka
Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta
qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in
waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu
laalay weerarkaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday guddiyadii ka
qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay
wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay
weerarkaas.
“Kooxaha argagaxisada ah ayaa niyadda ku hahay in
weerarkii October 14, 2017 ay tirtiri karaan dawladnimada, damin karaan
iftiinka, dunidana u sheegi karaan in Soomaaliya aysan amni ahayn hase yeeshee
taa bedelkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay ka heleen Midnimo, horumar,
deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto
fikirka gurracan” ayuu Kheyre.
Qaraxii Zoobe ee sanadkii hore maanta oo kale dhacay ayaa noqonaya kii
ugu horeeyay ee taariikhda soo mara dalka, iyadoo mar kale ay ku nafwaayeen ku
dhawaad 700 oo ruux oo intooda badan ahaa dad rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]