4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2018
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

 

Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan horey ugu xukuntay xukun dil toogasho ah, waxaana xukunkiisa fulinta uu dhacay maanta oo Axad ah sanad kadib markii qaraxaasi uu dhacay.

Xeer ilaliye ku-xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kabtan Muumin Xuseen C/laahi oo dilka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka uu u dhacay sidii loogu tala galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]