Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad u fidineysa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Baydhabo
Axad, October, 14, 2018 (HOL)-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad
u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay
qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha oo tacsi u diray
ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay qaraxyada ayaa ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada
Alshabaab.
“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi
raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka dhintay
qaraxyada, waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku
dhaawacmay qaraxyadaasi.”
Madaxweynaha ayaa kula
dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin
laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee uu cadawgu ku beegsanayo
shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa
adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan
cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka
Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo
guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]