4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2018
Jidadka Muqdisho oo saakay gabi ahaanba xiran

 

Axad, October, 14, 2018 (HOL)- Waxaa saakay inta badan xiran oo aan loo ogoleyn in ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha jidadka magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 14ka October oo loo baroor diiqayo dadkii ku dhintay Qaraxii sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris dheeraad ah ku sameynaya, halka gaadiidka iyo mootooyinka Bajaajta loo diidayo inay isaga kala gudbaan isgoysyada magaalada Muqdisho.

Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 700 oo ruux, oo u badnaa dad shacab ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay tagayaan isgoyska Zoobe si ay uga qeyb galaan salaad janaaso wadareed ah loo tukanayo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay isgoyska Zoobe.

Isgoyska Zoobe ayaa laga taagay taalo lagu qoray 14-ka October oo lagu xusuusanayo dadkii masaaskiinta ahaa ee lagu laayay qaraxaasii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]