4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Qaraxyo goor dhaw ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay ka dhaceen maqribnimadii caawa magaalada, iyadoo qarax hore lagu weeraray hotel lagu magacaabo Bilan.

Qaraxa labaad oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii-hure ah ayaa lagu qaaday Maxaaqi lagu magacaabo Bader oo ku taala bartamaha magaalada.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ilaa afar ruux oo dhamaantood shacab ahaa uu ku dhintay qarxa oo hore ee ka dhacay Hotel Bilan oo loo adeegsaday Ban gacmeed.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana iyaga oo halkaa ka bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Magaalada Baydhabo kuma badna qarax-yada, hasse ahaatee dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay weeraro Ismiidaamin ahaa oo galaafta nolasho dad badan oo shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]