4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Madaxweyne Waare : Golaha Iskaashiga dowlad gobolleed-yada looma aas-aasin in uu mucaarado dowladda

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa siweyn uga soo horjeestay go’aamadii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada, gaar ahaan magacaabista afhayeenka cusub ee Golaha.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri’’ Golaha Iskaashiga dowlad gobolleed-yada waxaa loo aas –aasay in uu dowladda federaalka kala shaqeeyo arrimaha federaaleynta, dhameystirka Dastuurka, qeybsiga Kheyraadka dalka, Siyaasada loo dhan yahay iyo waliba in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020-21.

Laakiin waxaa uu meesha ka saaray in Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedka loo aas-aasay markii hore-ba in uu noqdo Gole mucaarad :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]