4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Wafdi ka socda Qatar oo yimid Muqdisho

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qatar, iyagoo kulamo la leh Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga dalka.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho loo galbiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga. 

Lama shaacin ujeedada socdaalka wafdigan iyo cida hoggaamineysa inta, iyadoo ammaankooda si aad ah loo adkeeyay.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaa horay Muqdisho u yimid wafuud kala duwan, iyadoo horay Qatar balan-qaaday mashaariic kala duwan oo aan weli la fulin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]