4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku furaya jidad muhiim ah gobolka Hiiraan

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa shaaciyay howlgal lagu furayo jidad muhiim u ah gargaarka Bani’aadannimo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Gaar ahaan jidadka leysku furayo ayaa isku xira degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi oo adag tahay xiligan in leysaga gudbo, waxaana howlgalkan uu muhiim u yahay sidii sahyada gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horay u sheegay dhawaan in ciidamada Soomaaliya ay ka kala bilaabeen howgallo Baladweyne iyo Balcad, waxa uuna xusay in ay isugu imaan doonaan deegaanka Fiidow.

Golaha Hiiraan ayaa ka mid ah deegaannada ay go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab oo caqabad ku ah isku socodka degmooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]