4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Turkey oo sii daayay Andrew Brunson

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah ku heshay dambi argagixisanimo, hase yeeshee xukuntay in labadii sano ee uu xabsiga ku jiray ay la macno tahay inuu waqtigiisa qaatay oo uu dalka ka bixio karo.

Xariga Andrew Brunson ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay xukuumadaha Ankara iyo Washington. Xukunka maanta ayaa waddada u xaaraya in Brunson uu kusoo laabto dalka Mareykanka.

Kadib markii lasii daayey, ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay in Brunson uu dhowaan kusoo laaban doono Mareykanka.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa khamiistii weriyey in maamulka Trump uu xukuumadda Ankara kula heshiiyey in laga qafiifiyo cunqabateynaha dhaqaale, taa beddelkeedna lasii daayo Brunson.

Xigasho/VOA 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]