4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Calanka

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan xuska maalinta calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan”ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in kor u yeelidda calanka Soomaaliyeed lagu soo bixiyey juhdi badan, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay sidii loo soo celin lahaa taariikhda calankeena uu ku lahaa caalamka.

“Kor yeelidda calankeenna waxaa lagu bixiyay dhiig iyo dhaqaale, waana waajib ina saaran dhammaan inaan soo celinno sharafkii iyo karaamadii uu ku dhex lahaa fagaareyaasha caalamka” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanadguurada 64aad ee markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay wasaarada dhalinyarada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]