3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga oo dhiiri-galinaya nabada Itoobiya iyo Eritrea

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa booqasho rasmi ah ku maraya dalalka Eritrea iyo Itoobiya, isaga oo booqasho ku tagay caasimadaha labada dowladood.

Booqashada Giuseppe ayaa la xiriirta dhiirigalinta nabada ka hanaqaaday guud ahaan gobolka, gaar ahaa xiriirka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo caadi ku soo laabatay 20 sano kaddib oo colaad u dhaxeysay.

Waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha, dhinaca Asmara waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki.

 

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka uu Talyaaniga la leeyahay dalalkaas oo xilligan u furmay bog cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/12/2018 3:40 PM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayeey dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay qalabkii ugu danbeeyay ee kontaroolka hawadda Soomaaliya.

10/12/2018 1:06 PM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah ku heshay dambi argagixisanimo, hase yeeshee xukuntay in labadii sano ee uu xabsiga ku jiray ay la macno tahay inuu waqtigiisa qaatay oo uu dalka ka bixio karo.

10/12/2018 12:57 PM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

10/12/2018 7:22 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Shrikadaha warbaahinta ayaa isaga baxaya ka qeybgalka shirk u saabsan maalgashiga oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga sababo la xiriira walaac ay shirkadahaasi ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la'yahay.

10/12/2018 6:48 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL) –Iyadoo hal sano laga joogo qaraxii lagu hoobtay ee 14kii Octobar ee sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ayeey dowladda Soomaaliya sheegtay in la xusuusan doono mahadhooyinkii laga dhaxlay qaraxa.

10/12/2018 6:39 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL)–Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ay jirto habacsanaan dhinaca amniga, kaddib warbixin ay baarlamaanka ka siiyeen amaanka guud ahaan dalka.

10/12/2018 2:21 AM EST
Jimco, October, 12, 2018 (HOL)– Waxaa isa soo tareysa cambaareyn caalami ah loo jeedinayo dalka Saudi Arabia oo ilaa iyo hadda aan war ka soo saarin halka uu ku danbeeyay wariye Jamal Khashoggi oo markii ugu wardanbeysay ku sugnaa Qunsuliyada Sacuudiga ee dalka Turkiga.