Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Guddiga difaaca
baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ay jirto habacsanaan dhinaca amniga,
kaddib warbixin ay baarlamaanka ka siiyeen amaanka guud ahaan dalka.
Xildhibaan Xusseen Carab Ciise oo horeyna u soo noqday
wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya , islamarkaana ah guddoomiyaha
guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa sheegay in wali ay dhiman yihiin howlo
badan oo amniga la xiriira una baahan in wax laga qabto.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in wali ay
taagan tahay habac-sanaanta la xiriirta dhanka ammaanka ee ay horey u soo
gudbiyeen baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay baarlamaanka
horgeyn doonaan wixii ka soo baxay kulamada ay la qaateen hay’adaha amniga.
Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa isa soo
tarayay eedeymo culus oo loo jeedinayay dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay
ku fashlintay wax ka qabashada amniga, waxaana ay xildhibaannadu ku dhaliiileen
dowladda habka iyo siyaasada ay ku wajahday wax ka qabashada amniga oo loo
maray sida ay hadalka u dhiggayaan waddo aan sax aheyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]