Hiiraan Online
4/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Bam gacmeed lagu weerarray guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday xalay fiidkii guriga guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay oo ku yaal magaalada Baydhabo,sida ay saraakiishu sheegeen.
Weerarka waxaa la sheegay in loo adeegsaday bam gacmeed ,iyadoo labada ruux ee ku dhaawacmay mid ka mid uu ahaa askari ilaalo u ahaa iyo gabar guriga ku sugneyd.
Saraakiisha amniga waxaa ay sheegeen inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerar, mana jirto cid wali sheegatay inay mas'uul ka tahay.
Weerarro midkan la mid ah ayaa marar kala duwan ka dhacay magaalada Baydhabo,halkaas oo ay inta badan ku suganyihiin mas'uuliyiinta sare ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]