4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay ka mid noqoto heshiiska caalimiga ah ee biyaha la wadaago


Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)– Magaalada Astana ee caasimadda dalka Kazakhstan waxaa maanta ka furmay shir caalami ah oo looga hadlaayey arrimaha biyaha ay dalalku wadaagaan ee ku jira webiyada caalamiga ah.

Shirka waxaa uu ku saabsanaa heshiiska caalamiga ah ee nidaamiya biyaha ay dalalka wadaagaan, waxaana si rasmi ah u furay madaxweynaha dalka Kazakhstan Md. Nursultan Nazarbajev.

Madaxda kale ee shirkan ka hadlay waxaa ka mid ah ku-xigeenka ra’iisal wasaarada dalka Kazakhstan ahna Wasiirka Beeraha Umirzak Shukeyev.

Shirka oo socon doona saddex maalmood waxaa ka soo qeyb galay boqolaal qofood oo ay ku jiraan wasiiro iyo madax kale oo ka kala socotay dalala badan oo ay ka mid ahaayeen dalalka Afrikaan iyo wadamada kale ee qaaradda Yurub iyo Aasiya, iyo sidoo kale hey’adaha caalamiga ee Qaramada Midoobay iyo kuwa qaaradda Yurub, iyo sidoo kale Bangiyada Caalamiga iyo dalalka deeq-bixiyayaasha.

Shirkan oo ah kii siddeedaad ee loo qabtay dalalka xubnaha ka ah heshiiska biyaha waxaa dalalkii lagu casumay ka mid ahaa dalka Soomaaliya. Muhiimadda shirka waxa uu ahaa sidii loo sii kordhin lahaa tirada dalalka caalamka ee heshiiskaasi ku jira, iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqan gelinta heshiiskaasi.

Waxaana ka qeyb galay wafdi balaaran oo ka socday dalka Soomaaliya oo ka kooban sagaal qofood oo uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Soomaaliya, C/waaxid Ibraahim Axmed.

Agaaso,aja oo hadalo kooban ka jeediyey shirka, ayaa sheegay muhiimadda uu shirkan u leeyahay dalka Soomaaliya, maaddaama ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay wax ka ogaato heshiisyada caalamiga ah ee nidaamiya biyaha ay dalalka wadaagaan iyo sida ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd heshiiska biyaha.

Wafdiga Soomaaliyeed waxa ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee shirkaas, waxayna halkaasi ka soo kororsadeen aqoon dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha maamulka, maalgelinta iyo horumarka biyaha, waxayna sidoo kale sii adkaayeen xiriirka ay Soomaaliya la leedahay hey’ada caalamiga iyo dalalka dibedda.

Wafdiga Soomaaliyeed ee shirkaasi ka qeyb galay waxaa u suurta gashay in ay la kulmaan madax kala duwan oo shirkaasi ka qeyb gashay.

Waxaa sidoo kale shirkaasi ka hadlay Dr. C/laahi Cilmi Maxamed oo ah xeel-dheere dhinaca arrimaha biyaha dalka Soomaaliya. Dr. C/laahi waxaa uu soo bandhigay arrimaha la xiriira webiyada Juba iyo Shabeelle ee dalka Soomaaliya iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, iyo sida loogu baahan yahay in dalalka wadaaga webiyadaasi ay u yeeshaan wada-shaqeyn iyo iskaashi ku saabsan sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka biyo ee webiyadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]