4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Al-shabaab : waxaan dilnay Basaas u shaqeynayay sirdoonka Britain

 

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) –Al-shabaab ayaa sheegay in ay meel fagaaro ah ku dileen Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano ah jir ah, waxaa ay sheegeen in uu Basaasayay Cawaale Sirdoonka Britain, MI6.

Cawaale iyo afar kale oo dhalinyaro ah ayeey maalintii shalay Al-shabaab ku toogteen meel fagaaro ah degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, sida uu sheegay Maxamed Abu Cadalla oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab.

Raggan la toogtay oo dhamaantood dhalinyaro ahaa ayaa lagu eedeeyay in u kala basaasayeen sirdoon ka, Soomaaliya, UK, iyo Mareykanka, hasse ahaatee dhinacydan oo dhan wax war ah kama aysan soo saarin waxa ka jira eedeynta Al-shabaab.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab meel fagaaro ah ku dilaan ama ku toogtaan rag ku eedeysay in ay ahaayeen basaas ku xiran dowladda Soomaaliya iyo dalalka shisheeye ee taageera dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]