4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Al-shabaab oo macalimiin ku dishay Kenya

 

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) –Warar koox la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Carabiya ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayeey ku dileen sida la xaqiijinayo labo Macallimiin ka tirsan deegaanka, iyaga oo sidoo kalana dab qabadsiiyay mid ka mid ah gur-yaha macalimiinta.

Booliiska dalka Kenya warbaahinta faah faahin ka siiyay weerarka ayaa sheegay in ragga toogashada geystay ee la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin ka soo tallaabeen xadka dhinaca Soomaaliya, iyaga oo weeraray tuulada Carabiye oo ay ku dileen labada macallin.

Waar-diyayaasha dugsiga ay weerareen kooxdan ayaa la sheegay in laga taagroonaaday, taasoo keentay in kooxda weerarka soo qaaday gudaha u gallaan dugsiga Carabiya.

‘’Markii ay gudaha u galeen dugsiga ama Iskuulka waxaa ay isticmaaleen Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo qoriga Baasuukaha, ‘’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliiska.

Saraakiisha Booliiska ayaa intaa ku daray in ardeydii Iskuulka ku sugnaa wax dhibaato ah kama soo gaarin weerarka xalay ka dhacay Carabiya.

Ragga weerarka soo qaaqday ayaa markii danbe u soo tallaabay dhinaca Soomaaliya, iyadoo ay ku raad joogeen ciidamo Booliis Kenya ah oo u ku soo baxay dhacdada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]