4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya, Xasan Cali Khayre  ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.


Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay waheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]