3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Shirweyne lagaga doodayo wixii Somaliland u qabsoomay 27 sanno oo ka furmay Hargeysa


Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) -Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wafuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen wafuud ka socota In ka badan 20 (labaatan) dal oo kamid ah dalalka dunida, isla markaana ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa laga jeediyey hadallo ku saabsan guulihii ay Somaliland gaadhay iyada oo aan cid kale gacan ka helin, jidka dheer ee ay usoo martay halka ay maanta taagan tahay iyo waliba caqabadaha hortaagan ee u baahan in meesha laga saaro.

Xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka caalamka oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah Somaliland ugu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaadhay muddadii ay jirtey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay uga gudbi lahayd dhammaanba wixii caqabado ah ee horyaalla.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo horumarinta caalamiga ah, Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaciyey inay Somaliland gaadhay guulo waaweyn oo soo jiitay dunida kale iyo saaxiibada Somaliland ee daafaha adduunka, isla markaana ay kasoo gudubtay caqabado tiro badan, kuwa haatan horyaallana ay diyaar u tahay inay isku duubni shacab iyo dedaal dawladnimo kaga gudubto.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu tilmaamay in ictiraaf la’aantu safka hore kaga jirto caqabada Somaliland hortaagan muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey, isaga oo xusay in Somaliland si buuxda uga soo baxday dhammaanba wixii shuruudo ahaa ee ku xidhnaa helitaanka ictiraaf caalami ah, isla markaana ay weli maqan tahay xuquuq weyn oo ay shacabka reer Somaliland dunida xaq ugu leeyihiin.

Madaxweyne Muuse Biixi oo si rasmi ah shirweynahan u daah-furay, ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay shacabka reer Somaliland ugu soo dhabar-adaygeen inay noqdaan qaran taabbo-gal ah oo isku filan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland waxa ay taariikhda ku gashay inay tahay dalka qudha ee gudihiisa kaligii taliye kula dagallaamay ee uu u adeegsaday inuu diyaarado ku dumiyo magaalooyinkii ee haddanna ka guulaystay adkaysigooda iyo niyad-adaygooda birta ah. Waxa kale oo ay Somaliland taariikhda ku gashay in iyada oo dagaalka intaas le’egi ku dhacay oo dadka colaad lagu dhex abuuray inay haddana iyadu dhisto dawladnimo iyo midnimo iyada oo aan cid kale u oggolaan inay soo faro-geliyaan”.

Shirweynahan lagu gorfaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadaha ka horyimid, ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxana lagu wadaagi doonaa aragtiyo aqoon ku dhisan oo la xidhiidha sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo lugta qaban kara hiigsiga fog ee qarankani leeyahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
10/10/2018 5:46 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)– Magaalada Astana ee caasimadda dalka Kazakhstan waxaa maanta ka furmay shir caalami ah oo looga hadlaayey arrimaha biyaha ay dalalku wadaagaan ee ku jira webiyada caalamiga ah.

10/10/2018 4:53 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)–Waxaa soo baxaya shaki laga muujinayo dib u dhaca ku yimid magacaabista guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sida uu maanta kulan ka dhacay Baydhabo uu ka hor sheegay Mukhtaar Rooboow.

10/10/2018 1:42 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) –Al-shabaab ayaa sheegay in ay meel fagaaro ah ku dileen Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano ah jir ah, waxaa ay sheegeen in uu Basaasayay Cawaale Sirdoonka Britain, MI6.

10/10/2018 1:00 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) –Warar koox la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Carabiya ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayeey ku dileen sida la xaqiijinayo labo Macallimiin ka tirsan deegaanka, iyaga oo sidoo kalana dab qabadsiiyay mid ka mid ah gur-yaha macalimiinta.

10/10/2018 8:20 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

10/10/2018 5:59 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuntay labo nin oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanayeen Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta loo yaqaano Amniyaadka ee fulisa dilalka qorsheysan.

10/10/2018 5:44 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Fadhiggii xildhibaannada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka hor jeediyay wasiiru-dowlaha wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo raaligalin siiyay dadka ku hadla afka Maay’ga.

10/10/2018 5:25 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan qeyb ka aheyn shirar u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay Madaxda maamul goboleedyadda.

10/10/2018 12:58 AM EST
Arbaco,October, 10, 2018 (HOL)-Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir laakiin ka biyo diidan xil ka qaadistiisa ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay ku dooranayaan sida uu hadalka u dhigay madaxweyne cusub oo yeelanayo maamulka Galmudug.

10/10/2018 12:32 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan qeyb ka ah kulamo is daba –jooga oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ay ku lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.