3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Xukun lagu riday xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab

 

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuntay labo nin oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanayeen Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta loo yaqaano Amniyaadka ee fulisa dilalka qorsheysan.

Labada eedeysane ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdisalaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali, waxaana Maxkamadda dhageysatay dacwada loo heystay.

Labada nin ayaa laga kala qabtay degmooyinka C/casiis iyo Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir, kaddib howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidanka Amniga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunka riday, waxaana uu sheegay in Maxamed Cabdisalaad Nuur lagu xukumay 8 sano, halka Gacal Maxamed Cali lagu xukumay 3 sano.

Maxamed Cabdisalaad ayaa la sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray Sanadkii 2015, gaar ahaan deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo uu ku qaatay tababar ciidan muddo saddex bilood, lana baray sida hubka fudud loo isticmaalo, iyo habka loo tuuro bam gacmeedka (F1), waxaana ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho eedeysanaha kale Gacal Maxamed Cali oo ay isla degenaayeen, waxaana la sheegay in Gacal uu isku qarin jiray Tima Jare oo u aheyd goob uu ka shaqeeyo, labada nin ayaa ka amar qaadan jiray Horjooge kale oo lagu oo ku sugan deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/10/2018 5:46 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)– Magaalada Astana ee caasimadda dalka Kazakhstan waxaa maanta ka furmay shir caalami ah oo looga hadlaayey arrimaha biyaha ay dalalku wadaagaan ee ku jira webiyada caalamiga ah.

10/10/2018 4:53 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)–Waxaa soo baxaya shaki laga muujinayo dib u dhaca ku yimid magacaabista guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sida uu maanta kulan ka dhacay Baydhabo uu ka hor sheegay Mukhtaar Rooboow.

10/10/2018 1:42 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) –Al-shabaab ayaa sheegay in ay meel fagaaro ah ku dileen Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano ah jir ah, waxaa ay sheegeen in uu Basaasayay Cawaale Sirdoonka Britain, MI6.

10/10/2018 1:00 PM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) –Warar koox la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Carabiya ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayeey ku dileen sida la xaqiijinayo labo Macallimiin ka tirsan deegaanka, iyaga oo sidoo kalana dab qabadsiiyay mid ka mid ah gur-yaha macalimiinta.

10/10/2018 8:20 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

10/10/2018 8:08 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL) -Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wafuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

10/10/2018 5:44 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Fadhiggii xildhibaannada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadal ka hor jeediyay wasiiru-dowlaha wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo raaligalin siiyay dadka ku hadla afka Maay’ga.

10/10/2018 5:25 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan qeyb ka aheyn shirar u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay Madaxda maamul goboleedyadda.

10/10/2018 12:58 AM EST
Arbaco,October, 10, 2018 (HOL)-Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir laakiin ka biyo diidan xil ka qaadistiisa ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay ku dooranayaan sida uu hadalka u dhigay madaxweyne cusub oo yeelanayo maamulka Galmudug.

10/10/2018 12:32 AM EST
Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan qeyb ka ah kulamo is daba –jooga oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ay ku lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.