4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka wada hadlaya xisaab xirka sanadka 2017da

 

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan qeyb ka ah kulamo is daba –jooga oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ay ku lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ajandihiisa wuxuu yahay xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017.

Dooddihii ugu danbeeyay ee xildhibaannada ayaa lagu eegay hidise sharciyeedyo dhowr ah oo hore yaala Golaha Shacabka, waxaana hortaga golaha mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay wasiirro ka mid ahaayeen.

Ciidamada booliska Soomaaliya ee qaabilsan ilaalinta xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay xireen aagga xarunta golaha shacabka, waxayna gaadiidka u diidayaan wadooyinka xarunta baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]