4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
JAAMAC SHABEEL“Aniga iyo madaxweynuhu waxaanu isku haynaa xeerka kufsiga oo diinta ka hor imanaya”

 

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE Jaamac ismaaciil Cige shabeel oo shalay la sheegay in xilkii laga qaaday ayaa ku dooday in aan xilkiisa laga qaadin,isla markaana waraaqdaas la baahiyey baal marsan tahay sharciga xisbiga u yaalla.

Jaamac Shabeel ayaa sheegay in xisbiga khilaaf ka jirin ee isaga iyo madaxweynuhu isku qabteen xeerkii kufsiga oo shareecada islaamka ka hor imanayey, waxaanu sheegay in aanu marna ka hadheen xeerkaasi ilaa inta la tirtirayo.

“shalay waxaad baahiseen waraaq afxabashi ku qoron oo aan nuxur lahayn oo xisbiga lagaga been abuurtay oo xil aan jirin lagu sheegtay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee waraaqdan soo qoray waa nin la magacaabay oo xilkaasi looma dooran marka qof aan loo dooran xil igama qaadi karo”ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo naqdiyey xilkii laga qaaday.

Mar uu ka hadlayey waxa uu khilaafkani salka ku hayo ee madaxweynaha iskaga hor yimaadeen, waxa uu yidhi “Khilaafkani maaha mid xisbiga ah ee waa aniga iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu salka ku hayaa xeerkii kufsiga ee aan ka hadlay, maadaama uu xeerku dhaqan gal yahay yaanu ka hadlin ayey ujeedadeedu ahayd xeerkan, xeerkaasi ilaa saaxadda laga waayayo kama hadhayo, madaxweyne u cadee mawqifkaaga ku aadan xeerkan, waa xeer sharci daro ah oo dastuurka xadgudub ku ah oo diinta islaamka ayuu xadgudub ku yahay, suuratul Nuur iyo madaxweynaha isku eegayaa waa suurata uu ku xadgudbay.”

Sidoo kale, Jaamac Shabeel ayaa sheegay inuu maalinta sabtida shir u qaban donno golaha dhexe ee xisbiga, waxaanu tilmaamay in xilka lagaga qaadi karo uun shirweynaha golaha dhexe oo shir qabsaday.

Guddida fulinta ee xisbiga kulmiye ayaa shalay sheegay inay xilkii ka qaadeen gudoomiyaha golaha dhexe ka dib markii uu xisbiga iyo shacabkaba ka dhex bilaabay kicin.

Jaamac Shabeela ayaa si adag uga hor yimid xeerka kufsiga oo golaha wakiilada iyo madaxweynuhuba meel mariyeen, haseyeeshee markii culimadii iyo dadkii ku kaceen ayuu madaxweynuhu hakad galiyey dhaqangalkii xeerka, waxaanu dib ugu celiyey baarlamaanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.