4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Markab dhuxul si qarsoodi ah uga qaaday Soomaaliya oo ku xirtay Ciraaq

Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Markab ay ku raran yihiin 200,000 kiish oo dhuxul ah oo si qarsoodi ah uga qaaday deked aan la magacaabin oo ku taalla koonfurta Soomaaliya ayaa ku xirtay dekedda Umm Qasri ee dalka Ciraaq, sida ku cad war-saxaafadeed uu soo saaray safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay,Abuukar Daahir Cismaan  (Abukar Baale).

Safiirka ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darrada ee dhuxusha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayso xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo kiiska Markabka.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

"Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharci darrada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya." ayuu yiri Danjire Baale.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhuxusha u arka inay dhaqaalo badan ka helaan ururka al-Shabaab, waxaana golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay mamnuuceen dhoofinta iyo ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya sannadkii 2012-kii,halka dowladda Soomaaliya ay mamnuucday horaantii sanadkan ,kaddib shir heer caalami ah oo ay goobjoog u ahaayeen xubno ka socda dalalka caalamka oo lugu qabtay magaalada Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]