3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Shirka Siyaasadda loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga Iyo Doorashooyinka 2020


Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka ah ee  Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

"Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka." ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Gabagabadii,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/1/2018 5:17 PM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeryooday qof kalana waa uu dhaawacmay,kaddib weerar caawa ka dhacay xaafad ay ku badanyihiin dadka Itoobiyanka ah oo ku taalla magaalada Boosaaso.

10/1/2018 3:48 PM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay munaasabadda daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa xasuusiyay ummadda Soomaaliyeed in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad layska saaro shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.

10/1/2018 2:51 PM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE Jaamac ismaaciil Cige shabeel oo shalay la sheegay in xilkii laga qaaday ayaa ku dooday in aan xilkiisa laga qaadin,isla markaana waraaqdaas la baahiyey baal marsan tahay sharciga xisbiga u yaalla.

10/1/2018 10:49 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Markab ay ku raran yihiin 200,000 kiish oo dhuxul ah oo si qarsoodi ah uga qaaday deked aan la magacaabin oo ku taalla koonfurta Soomaaliya ayaa ku xirtay dekedda Umm Qasri ee dalka Ciraaq, sida ku cad war-saxaafadeed uu soo saaray safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay,Abuukar Daahir Cismaan (Abukar Baale).

10/1/2018 9:52 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Nicholas Haysom, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya shaqadiisa.

10/1/2018 8:53 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo khudbad ka jeediyay xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codsaday in cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaado si loo gaaro gobolka Geeska Afrika oo xasilloon.

10/1/2018 8:35 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhis lugu sameyn doono degmada Warshiikh ee gobolka Shabeelaha dhexe,halkaas oo loo diyaarin doono deegaan dalxiis.

10/1/2018 8:15 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Xukuumadda Indonesia ayaa codsatey kaalmo deg deg ah,kaddib markii saddex maalmood ka hor ay ku dhufteen dhulgariir dhibaato baaxad leh gaystay iyo duufaan ka dambaysay jasiiradda Sulawesi.

10/1/2018 7:48 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday baabuur milatari oo ay leeyihiin ciidamo Talyaani ah ,xilli ay marayeen agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile.

10/1/2018 6:28 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Qarax xooggiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

10/1/2018 5:54 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda,Ruhakana Rugunda ayaa ka digay in la dhimo ciidamadda nabad ilaalinta ah ee AMISOM , ciidanka oo u sheegay in amaanka Soomaaliya uu ku tiirsanyahay.

10/1/2018 5:30 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Milateriga Kenya ayaa sheegay ugu yaraan 10 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab inay ku dileen dagaal xilli hore oo Isniinta maanta ah ka dhacay deegaanka Taksile oo ka tirsan Lamu.

10/1/2018 5:07 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Dowlad-gobolleedka Hirshabeelle ayaa cabasho ka dhan ah maamulka gobolka Banaadir u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

10/1/2018 4:47 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-Dagaallamayaal ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

10/1/2018 4:24 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Dablay hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmada Xamar weyne, dilkan ayaa ka dhacay habeenkii Axadda suuqa Xamar weyne,sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada.

10/1/2018 3:58 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Soomaaliland ayaa shuruud ku xirtay wada hadallo ka dhaca magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho oo ay yeeshaan mas'uuliyiinta dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

10/1/2018 3:33 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Wariye Maxamed Cabdi Weli Tooxow oo muddo siddeed maalin ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda dib xoriyadiisa u helay,sida ay baahisay warbaahinta uu ka tirsanaa ee Kulmiye.

10/1/2018 2:41 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ah ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

10/1/2018 1:55 AM EST
Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgalo saacadihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyaga oo sheegay in ay dileen Shan ruux oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

10/1/2018 1:32 AM EST
Isniin, October,01 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan