4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Soomaaliya iyo Itoobiya oo golaha ammaanka QM ka codsaday in cunaqabateynta laga qaado Eritrea


Isniin, October, 01, 2018 (HOL)- Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo khudbad ka jeediyay xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codsaday in cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaado si loo gaaro gobolka Geeska Afrika oo xasilloon.

Axmed Ciise Cawad, oo xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay khudbada madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in la joogo waqtigii cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaadi lahaa,halka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,Workneh Gebeyehu uu sheegay dalkiisa inuu codsanayo in dunidda loo furfuro Eritrea oo cunaqabateynta saaran laga qaado.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib usoo nooleeyay xiriirkooda,kaddib heshiis ay labada dal ku gaareen dalka boqortooyada Sacuudiga, waxaana heshiiska mar kale uu dib usoo celiyay rajada Eritrea ee ku aaddan in laga qaado cunaqabateynta saaran.

" Eritrea  waxay muddo dheer ku dhibtooneysa cunaqabateyn aan sharci ahayn." ayuu yiri Cismaan Saalax, wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo khudbada uu ka jeediyay xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku dheeraaday cunaqabateynta dalkiisa saaran.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo khudbada madaxweynaha Jabuuti xarunta golaha ammaanka ka jeediyay ayaan sameynin codsiga ah in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Hoggaamiyayaasha dalalka ku yaalla  bariga Afrika ee Soomaaliya,Itoobiya,Eritrea iyo Jabuuti ayaan sannadkan tagin xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxaana shirka ku matalay wasiirrada arrimaha dibadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]